Ololaha diiwangalinta Waxbarashada Gabdhaha oo laga daah-furay Kismaayo.

0
41

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo tacliinta sare ee Dowladda Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ka daah furtay Ololaha Wacyigalinta bulshada ee diwaangalinta waxbarashada Gabdhaha.

Waxaana ka qeyb galay munaasabada qaar kamid ah Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Jubbaland iyo Agaasimaha waaxda waxbarashada loo dhanyahay iyo Agaasimaha Waxbarashada Degmada Kismaayo iyo Masuuliyiin kale.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay Agaasimaha waaxda waxbarashada loo dhanyahay Tamaam Fariid Cabdi iyo Agaasimaha Waxbarashada Degmada Kismaayo iyagoo fah-faahin ka bixiyay Muhiimada uu Ololahan u leyahay bulshada si gaar ah Gabdhaha.