Ole Gunnar Solskjær oo difaacay Paul Pogba kaddib eedeeymihii xoogganaa ee loo soo jeediyay

0
207

Qaab ciyaareedka Pogba ee xilli ciyaareedkan wuxuu ahaa mid niyadjab ku ah jamaahiirta Man Unite, maadaama xiddiga reer France uusan sameynin qaab ciyaareedkii laga sugayay.

Paul Pogba ayaa sabab u ahaa guuldarradii Manchester United ka soo gaartay kooxda Arsenal kulankii la soo dhaafay ee horyaalka Premier League, maadaama uu sabab u noqday riggooradii loo dhigay Gunners.

Haddaba wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær, waxaana uu yiri:

“Paul Pogba wuxuu soo maray xili adag kaddib dhaawacii soo gaaray xilli ciyaareedkii hore, sidoo kalena uu ku dhacay Korona Fayras xilli ciyaareedkan”.

“Marka waxaan u maleynayaa inaan aragnay waxyaabo badan oo wanaagsan dhawaan, waxaana rajeynayaa in tani sii socon doonto”.