Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Dalka Nigeria ayaa laga xaqiijiyay kiisaskii ugu horeeyay ee nooca cusub ee xanuunka karoona ah
Xarunta ka hor taga xanuunada faafa ayaa sheegtay in nooca cusub ee dhawaan dilaacay ee xanuunka karoona ah laga helay 2,dii qof ee ugu horeysay dalka Nigeria.
Labada qof ayaa la sheegay inay ka laabteen safar ay maalmahaan ku joogeen dalka Koofur Afrika.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in boqolaal ruux uu ku dhacay xanuunka karoona gaar ahaan nooca cusub ee Omicron oo hadda dunnida faro ba’an ku haya.