Nin xarun isgaarsiineed dhac ka gaysanayay oo lagu xiray Wajeer

0
22

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigtay nin 35 sano jir ah oo looga shakisan yahay in uu xatooyo gaysanayay.
Waxaa uu haatan ku xiran yahay saldhigga booliiska ee magaalada Wajeer.

Eedeysanaha ayaa wajahaya eedeymo la xiriira inuu jabsaday xarun ay leedahay shirkad isgaarsiineed oo ay ka dhacayeen shidaal isaga iyo shakhsiyaad kale.
Xarunta ayaa ku taalla xaafadda Xallane ee magaalada Wajeer.

Waxaa dambi baarista ee DCI-da ayaa eedeysanaha magaciisa ku sheegtay Mukhtaar Suleymaan iyadoo shakhsiyaadkii la socday ay u suurtagashay in ay baxsadaan.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay aroornimadii hore ee maanta.

Saraakiisha ayaa howlgalkan sameeyay ka dib xog ay ka heleen dadka deegaanka.
Howlgalka ayaa lagu soo helay 3 jirgaan oo midkiiba 20 litir yahay oo u shidaal ku jiray iyo agab kale.

Waxaa lagu wadaa in eedeysanaha maxkamad la soo taago, iyadoo lagu raadjooga shakhsiyaadka kale ee baxsaday.