Nigeria:Ugu yaraan 110 qof oo ku dhintay Daadad ka dhashay roobab xooggan.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 110 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay bartamaha Nayjeeriya, sida ay saraakiisha u sheegeen Warbaahinta.

Roobabkan ayaa socday saacado badan, sida uu sheegay madaxa Hay’adda Maareynta Degdegga ah ee Gobolka Niger (Nsema), Abullahi Baba-Arah.

Waxa uu intaa ku daray in “Biyaha daadadku ay qaadeen in ka badan 50 guri oo la deggan yahay iyo dadkii ku jiray” oo ku yaalla magaalada Mokwa.

Dowladda Nayjeeriya ayaa muujisay sida ay uga xun tahay fatahaadaha, iyada oo wasiirka warfaafinta Mohammed Idris uu sheegay in hay’adaha ammaanka iyo kuwa gargaarka degdegga ah lagu amray inay gacan ka geystaan ​​gurmadka.