Nico Williams Iyo Walaalkii Oo Loo Heysto Dacwad Musuq Iyo Tuuganimo

0
51

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Maxkamad ku taalla gobolka Navarre ee dalka Spain ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogtay labo ciyaaryahan oo ka tirsan kooxda Athletic Bilbao, kuwaas oo kala ah Iñaki Williams iyo Nico Williams, kadib markii lagu eedeeyay khiyaano iyo ku takri-fal hanti sharci darro ah oo la xiriirta gaari Mercedes AMG E63, kaas oo qiimihiisu yahay in ka badan €130,000.

Warbixinta dacwadda ayaa sheegaysa in walaalaha Williams ay ku lug lahaayeen “heshiis been abuur ah oo iib ah” oo ay galeen iyaga oo kaashanaya eedadood oo dhaqaale ahaan u liidata iyo qof saddexaad oo dhexdhexaadiye ah. Waxa la sheegay in gaarigii heshiiska lagu galay aan la keenin, isla markaana wax nidaam sharci ah oo rasmi ah aan la dhammeystirin, taasoo keentay khasaaro dhaqaale oo weyn oo soo gaaray shirkaddii iska lahayd gaariga.