Newcastle Oo Garaacday Arsenal Kana Reebtay Tartanka Carabao Cup-ka.

0
30

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Newcastle ayaa Garaacday Arsenal kana Reebtay Tartanka Carabao cup-ka.

Newcastle ayaa ku celisay natiijadii lugtii hore iyaga oo ka awood badnaa kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen weerarka.

Newcastle ayaa dhalisay goolka 1-aad daqiiqadii 19-aad waxana u dhaliyay xiddiga Murphy kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xiddiga Antony Gordon ayaa dhaliyay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisu Ku hogaaminayso.

Waxa sidaa ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal ka hadhay tartanka Carabao cup-ka.