Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Shirkadda Netflix ayaa diyaarinaysa dadkii ka qayb gali lahaa barnaamij telefishin oo lagu samaynayo tartan run ah, kaasoo laga matalayo filimkeedii ugu daawashada badnaa abid ee Squid Game.
Hase yeeshee guusha iyo guul darradu uma dhaxayn doonto nolol iyo geeri sida lagu arkay filimkaas laga daba dhacay ee lagu sameeyay Kuuriyada Koonfureed.
Taas baddalkeeda, tartamayaal tiradoodu tahay 456 oo ka kala socda guud ahaan caalamka ayaa ciyaari doona noocyo ciyaaro ah oo “qofka guul darraysta uu waddankiisa ugu laabanayo isagoo faro maran” – sidaasna ku waynaya abaal marin dhan $4.56m (£3.8m).
Mas’uuliyiinta Netflix ayaa dhowr maalmood ka hor xaqiijiyay in lasoo saarayo qayb kale oo ka mid ah musalsalkan caanka ah.Shirkadda ayaa ku dhawaaqday in qaybta cusub ee musalsalka – oo lagu magacaabay Squid Game: The Challenge- kooban 10 xalaqo ay ka qayb gali doonaan “dadkii ugu badnaa, abaalmarintuna ay noqon doonto lacag caddaan ah oo ah tii ugu badnayd ee taariikhda lagu qaato barnaamij telefishin ka baxa”.
“Ciyaartoyda ayaa ku tartami doona ciyaaro taxane ah oo laga matalay filimkii hore – waxaana intaas sii dheer waxyaabo lama filaan ah oo cusub – dadka fikradahooda, isbahaysigooda iyo dabeecadahooda ayaa loollan la gelin doonaa halka tartamayaasha qaar laga saari doono ciyaarta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Netflix.
Dadka ka qayb galaya ayaa laga rabaa in da’dooda ay ahaato ugu yaraan 21 sano. Waxaa kala oo khasab ah in ay ku hadlaan luuqadda Ingiriiska ayna heli karaan firaaqo afar isbuuc ah oo ku beegan horaanta sanadka 2023-ka, oo ah xilliga barnaamijka la duubayo.
Arrintan ayaa qiimaha suuqa ee shirkadda ka jartay in ka badan $50 bilyan oo doolar, khubarada ayaana ka digayay in ay adkaan doonto sidii ay Netflix mar kale heerkaas ugu laaban lahayd.