Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Namibia ayaa dhaliishay go’aanka Jarmalka ee ah inay Israa’iil ka difaacaysa eedeymaha la xiriira in ay xasuuq shacab ka gaysanaysa Qaza.
Tani ayaa timid ka dib dacwaddii ay Koonfur Afrika u gudbisay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ.
Madaxweynaha dalka Namibia , Hage Geingob ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in Jarmalku uu go’aansaday inuu Israa’iil ka difaaco falalka gurracan iyo xasuuqa rayidka Qaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.
Koonfur Afrika ayaa maxkamadda ICJ u sheegtay in duullaanka militari ee dhanka cirka iyo dhulka ee Israa’iil ay ka wado Qaza lagu dilay ku dhawaad 24,000 oo qof.
Waxay intaasi ku dartay in howlgallada meelaha lagu beegsaday ay ka mid yihiin xarumaha caafimaadka lagu doonayo in lagu baabi’yo shacabka Qaza.
Israa’iil ayaa dhankeeda Koonfur Afrika ku eedeysay inay soo bandhigtay aragti qaldan oo ku aaddan colaadda.
Waxay iska beenisay in howlgallada militari ee Qaza ay yihiin olole uu maamul hoggaaminaya oo lagu xasuuqaya Falastiiniyiinta.
Bayaanka madaxweynaha Namibia waxaa qayb ka ah in dowladda Jarmalka ay iska indha tireysa in Israa’iil ay dishay in ka badan 23,000 oo qof iyo in la barakiciyay boqolkiiba 85 ee 2.3 milyan oo qof oo ku nool Qaza.
Waxaa uu madaxweynaha walaac xooggan ka muujiyay in dowladda Jarmalka ay ku dhawaaqday go’aan la yaab leh iyadoo ku gacan seyrtay doodda ay soo bandhigtay dowladda Koonfur Afrika.
Waxaa uu intaasi ku daray in qof aadane ah oo nabadda jecel uunan dafiri karin dhibaatooyinka ka socdo Qaza.