Real Sociedad ayaa taako u dhigtay kooxda Real Madrid oo ay ku booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 1-1 ah kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.
Haddaba wargeyska “Marca” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Waxaan ciyaarnay ciyaar wanaagsan, laga yaabee in bilowga aysan aheyn sidaas, laakiin waxaan helnay fursado, gaar ahaan qeybtii hore, waxaan luminay laba dhibic oo garoonkeena ah.”
“Waa inaan deganaan muujinaa, waxaan ciyaarnay ciyaar wanaagsan, waxaana jiray seddex ama afar fursadood, waana sii wadi doonaa.”
Intaas kaddib Tababare Zinedine Zidane ayaa ka hadlay isbadalkiisa ku aadan qaab taatikada kooxda Real Madrid, wuxuuna yiri:
“Waxay aheyd inaan badelno, sababtoo ah saacad kadib kooxdu way daashay, waxaa jira wakhtiyo ay tahay inaad isbadal sameyso, ugu dambeyntii waxaad isku dayeysaa inaad hesho waxyaabo aad ku badasho firfircoonida.”
Sidoo kale Zinedine Zidane ayaa waxaa wax laga weydiiyay kulanka soo socda ee Madrid Derby, kaasoo ay Axada soo socota kula ciyaari doonaan naadiga Atlético de Madrid. Wuxuuna yiri:
“Tani ma badali doonto qaab ciyaareedkeena kulanka Madrid Derby, waa inaad aado oo aad ciyaarto kulan fiican.”