Muxuu Van Dijk Ka Yidhi Guushii Ay Kooxdiisu Ka Gaadhay Wolves.

0
15

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka Kooxda Liverpool ee Virgl Van Dijk ayaa ka hadlay guushii kooxdiisu ka gaadhay Wolves kulan ka tirsanaa premier League.

Reds ayaa 2/1 kaga badisay kooxda Wolves kulan labada kooxood ku dhexmaray garoonka Anfield.

Van Dijk oo la hadlaya BBC ayaa yidhi”Waxaan jeclaan lahayn in aanu maamulno ciyaarta 90 daqiiqo, laakiin kani waa horyaalka Ingiriiska ee Premier League, Wolverhampton way ku ciqaabi kartaa waxayna kuu abuuri kartaa waqtiyo khatar ah”.

Van Dijk: Liverpool ayaa kubbada sii haysan kari wayday mararka qaar kulanka”.

“Tani waxay ka dhigan tahay inaan sii wadnay dagaalka, aan sii wadnay horumarka, oo aan helnay saddexda dhibcood.”