Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa laga yaaba in ay ku guulaysan lahayd Horyaalka Premier League Kadib markii ay 1/0 kaga badisay Leicester Axadii, laakiin Arsenal iyo Leandro Trossard ayaa arintaas wax ka sheegay.
Reds ayaa lagu qasbay inay dib u dhigaan dabaaldegooda ka dib markii Gunners ay 4-0 kaga badisay Ipswich, taasoo la macno ah in ay Arsenal wali fursad haysato xisaab ahaan.
Liverpool ayaa haatan u baahan in Laga badiyo 5 kulan ee dhiman si ay Arsenal ugu Guulaysato Premier League,
Arsenal ayaana u baahnaan doonta in ay badiso shanta kulan ee u dhiman Hadii ay Rajo ka rabaan Horyaalka.
Dhanka kale, Leandro Trossard ayaa wareysigiisa ku sheegay Liverpool ka dib markii uu labo gool ka dhaliyay Ipswich si uu kooxdiisa guul ugu hogaamiyo.
Isagoo la hadlayay Sky Sports ka dib guushii 4-0 ay ka gaareen Ipswich, xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa yiri”“Waa muhim nafteena, uma baahnid inaan eegno iyaga (Liverpool), kaliya waa inaan sidan ku sii soconaa oo aanu Badanaa kulamadeena”.
“Waxaan dooneynaa inaan badino kulan kasta, laakiin waxaan ognahay sida ay ugu adag tahay horyaalka, guul wanaagsan maanta, waxaan kaliya u baahanahay inaan horay u sii wadno.”