(Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii weyneyd oo ay kooxdiisu xalay ka gaartay naadiga Fulham.
Manchester City ayaa guul raaxo leh ka soo gaartay kooxda Fulham oo ay ku booqatay garoonka Craven Cottage, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Ciyaarta kaddib Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa u sheegay warbaahinta:
“Waan ogeyn in kulanku uu adkaan doono, marka loo fiiriyo natiijooyinkii ugu dambeeyay ee Fulham, waxaad ogaaneysaa inaan laga dhalinin wax gool ah.”
“90-ka daqiiqo guud ahaan waxaan aheyn kuwa aad u xoogan, haa, markale ayaan guuleysanay.“
“Waxaan u safri doonaa Budapest si aan isugu diyaarino kulanka lugta labaad wareega 16-ka Champions League, kahor kulanka quarter-finalka ee tartanka FA Cup.”
“Waxaan doonayaa qof walba inuu ka qeyb qaato Mararka qaar way adag tahay, laakiin qof walba waa inuu gacan ka geystaa guulaha kulamada, waxaana ku gaari doonnaa dhamaadka tartanka xilli ciyaareedka sida ugu macquulsan.”
Si kastaba ha ahaatee, Talaadada soo socota, Manchester City ayaa kula ciyaari doonta garoonka Puskas Arena caasimada Hungary ee Budapest, kulanka lugta labaad wareega 16-ka Champions League, kaddib markii kulanka lugta labaad uu ku dhamaaday 2-0 ay ku adkaatay kooxda reer England ee City.