Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Guushii Ay Kooxdiisu Ka Gaadhay Tottenham.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa carabka ku adkeeyay sida uu ugu faraxsan yahay ciyaartoyda kooxdiisa kadib guushii ay ka gaareen kooxda Tottenham Hotspur Axadii kulan ka tirsanaa horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa guul ka gaartay North London derby, waxaana u suuragashay inay Tottenham ku garaacdo hal gool kulan ka dhacay garoonka White Hart Lane.

Arteta ayaa u sheegay Sky Sport in uu aaminay awooda kooxdiisa in ay guul ka gaadhaan kooxda Tottenham.

Arteta ayaa yiri: “Waa koox weyn, waxayna abuureen jawi cajiib ah, waxaan ogaanay in kulanku uu noqon doono mid adag”.

Arteta wuxuu hadalkiisa ku daray: “Sida aan u difaacnay waxay ahayd mid aad u wanaagsan, waxaan dooneynaa inaan ciyaarno ciyaar ka duwan, laakiin waxay dejiyeen qaab aad u adag in la wajaho sidaas darteed waxaan go’aansanay inaanan weeraro badan ciyaarin”.

Macalinka reer Spain ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay: “Waxaan kaliya ka shaqeyneynaa inaan kubada madaxa ah helno waxana aan muujinay awood aan kaga gudbi karno xaalada adag”.