Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka Real Madrid, Kylian Mbappé, ayaa ka hadlay guushii 2-1 ee kooxdiisu ka gaartay Real Sociedad Sabtidii horyaalka La Liga, isagoo sidoo kale faallo ka bixiyay casaankii la siiyay saaxiibkiis Dean Huijsen.
Sida ay werisay DAILY STAR, goolal ay dhaliyeen Mbappé iyo Arda Güler ayaa Xabi Alonso iyo kooxdiisa u xaqiijiyay saddexda dhibcood, iyadoo Huijsen casaan lagu saaray intii lagu jiray ciyaartii ka dhacday garoonka Reale Arena ee Spain.
Mbappé oo wareysi bixiyay kulanka kadib ayaa ku adkeystay inuu naftiisa u huri doono kooxda Los Blancos, isagoo muujiyay farxaddiisa guusha.
Waxa uu yiri:
“Waxaan rabaa inaan wax walba u huro funaanadda (maaliyadda) kooxdan. Maanta waxaan dhaliyay gool, laakiin kooxda ayaa dadaal weyn muujinaysa si aan si wanaagsan ugu ciyaaro.
“Caawinta (assist) aad bay ii farxad gelisay, waxayna ahayd mid muhiim ah maxaa yeelay goolka labaad ayaa guulasha noo horseeday. Bilowga xilli ciyaareedku wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, sidoo kale bilowgaygana wuu fiicnaa.”
Isagoo ka hadlayay casaanka Huijsen, Mbappé wuxuu raaciyay:
“Casaanku wuxuu wax yar beddelay qaab ciyaareedkeenna. Waxaan wajahnay dhibaatooyin koox ahaan, balse ugu dambayn waxaan soo laabanay annagoo saddexda dhibcood haysanna.”