Chelsea ayaa ku dhawaaqday inay dib u soo ceshatay Lukaku, kaasoo u soo ciyaaray Blues intii u dhaxeysay 2011 iyo 2014, kahor inta uusan u dhaqaaqin Manchester United oo uu uga sii gudbay Inter Milan.
Romelu Lukaku ayaa kaddib markii uu si rasmi ah ugu soo laabtay Chelsea, wuxuu ka hadlay dareenkiisa, isaga oo u sheegay warbaahinta:
“Waan ku faraxsanahay inaan ku soo laabto kooxdan cajiibka ah, waxay ii ahayd safar dheer, waxaan imid halkaan markii aan yaraa, si aan wax badan u barto, hadda waxaan la soo noqday khibrad.”
“Xiriirka aan la leeyahay kooxdan micno weyn bay ii leedahay, sidaad ogtahay waxaan ahaa taageere Chelsea tan iyo markii aan yaraa, haddana waxaan ku soo laabtay inaan isku dayo inaan ka caawiyo kooxda inay ku guuleysato koobab badan, taasina waa dareen weyn .”
“Tan iyo markii aan ka tagay Chelsea, safarku wuxuu ahaa mid dheer wuxuuna lahaa xilliyo badan oo sarre u kac iyo hoos u dhac ah, laakiin waayo -aragnimadaas ayaa iga dhigtay mid xoog badan, caqabadduna waxay tahay inaan isku dayo inaan kooxda ka caawiyo inay ku guuleysato koobab badan.”
Si kastaba ha ahaatee, Romelu Lukaku ayaa u soo ciyaaray kooxo dhowr ah, kuwaas oo kala ah Anderlecht oo Belgium ah, Chelsea, West Brom, Everton iyo Manchester United oo England ah, iyo Inter Milan oo Talyaaniga ah.