Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ka falceliyey tababaraha cusub ee ay Liverpool heshiiska la gaadhay ee Ruben Amorim, kaas oo inkasta oo aanay Liverpool si rasmi ah ugu dhawaaqin heshiiskiisa ay haddana warbaahintu sheegayso inuu ogolaaday qandaraas illaa sannadka 2027 ku haynaya Anfield.
Jurgen Klopp ayaa bishii January ku dhawaaqay inuu iska casilayo Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan, isaga oo go’aankiisa ku sababeeyey in ay ka dhamaatay tamartii uu kusii ahaan lahaa tababarenimo, isla amrkaana uu geli doono nasiimo.
October 2015 ayaa Jurgen Klopp uu noqday tababaraha Liverpool, waxaana uu dhisay koox guulo waaweyn gaadhay oo sannadkii 2019 qaaday Champions League, sannadkii xigayna ku guuleystay horyaalka Premier League oo 30 sannadood ay ka qatanayd kooxdani.
Kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes oo bishii hore intii lagu maqnaa ciyaaraha caalamiga ah wax laga weydiiyey Ruben Amorim, ayaa ammaan kula dul-dhacay, inkasta oo uu u wareegay Manchester United laba bilood ka hor intii aanu Amorim noqonin tababaraha Sporting Lisbon.
Bruno Fernandes oo ka hadlayey Ruben Amorim ayaa yidhi: “Anigu waxa aan rajaynayaa in uu sii joogo Sporting, laakiin haddii uu qaado tallaabada xigta, waxa uu leeyahay tayooyin u suurtogelinaya inuu guulo kaga soo hooyo horyaallada Ingiriiska, Faransiiska ama Spain.
“Waynu ognahay in Premier League uu yahay horyaalka ugu adag, isaguna waxa uu leeyahay tayooyin u suurtogelinaya inuu ku guuleysto balse waxay ku xidhan tahay kooxaha iyo agaasimeyaashu inay doonayaan inay bixiyaan lacagta lagu burburinayo qandaraaska Ruben Amorim ee Sporting.’