Real Madrid ayaa garoonkeeda Alfredo Di Stefano saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Granada, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulamada horyaalka La Liga ee toddobaadkan.
Ugu horreyn Zinedine Zidane ayaa ka hadlay sababta uu Eden Hazard kaga maqnaa kulankan, inkastoo uu ku soo baxay liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee kaga qeyb galayay ciyaartan.
Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa daabacay hadalada Zinedine Zidane, wareysi uu bixiyay ciyaarta kaddib, waxaana uu yiri:
“Waxaan u arkaayey mid aan ku habboonayn inuu ciyaaro kulankan, waxay ahayd ciyaar adag mana aan doonayn inaan halis galiyo, waxaan si tartiib tartiib ah ula socon doonaa isaga.
Intaas kaddib Zinedine Zidane ayaa ka hadlay goolkii uu dhaliyay xiddiga reer Brazil ee Casemiro, wuxuuna yiri;
“Wuxuu ina siiyaa wax badan, wuxuuna naga caawiyaa dhanka weerarka sidoo kale, ciyaarta runtii wey fiicneyd, waan ognahay inuu ugu fiican yahay sida Sergio Ramos kubaddaha dhanka madaxa ah.”
“Waa inaan sii wadnaa dagaalka, hadana waxaan ka codsan doonaa ciyaartoyda inay la nastaan qoysaskooda.”
“Runtii waxay ahayd ciyaar aad u adag, kooxda naga soo horjeeday ayaa na cadaadisay, qeybtii hore ee ciyaartana way dhib badneyd.”
“Waan ku faraxsanahay ciyaartoydeyda maanta sababtoo ah ku guuleysiga kulammada noocan oo kale ah ma sahlana, waxaan u qalnay inaan guuleysano marka loo fiiriyo wixii aan sameynay qeybtii labaad.”