Chelsea ayaa dhinaceeda guul kaga gaartay garoonkeeda Stamford Bridge kooxda Rennes, waxayna kaga adkaatay 3-0, goolasha Blues waxaa u dhaliyay Timo Werner oo 2 gool ah iyo Tammy Abraham.
Kaddib ciyaarta ayuu Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard u sheegay saxaafada:
“Tani waxay muujineysaa xaddiga shaqada aan qabanayno iyo jihada aan u socono, waxaan sameynay wixii looga baahnaa dhan walba”.
“Waxaan ku bilaabanay sifiican, waxaan dhalinay goolal waxaan ilaashanay horumarkayaga”.
Guushaan sidoo kale, Chelsea ayaa shabaqeeda ilaashatay kulankii shanaad oo isku xigta, sida laga soo xigtay tirakoobyada, waa markii ugu horreysay ay sidaan sameeyaan tan iyo 2010.
Frank Lampard oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu intaas ku sii daray:
“Waan ku faraxsanahay shaqadan iyo kooxdan heysata ciyaartooy leh kalsooni sare iyo awood jireed, waxaan u wada shaqeyneynaa si wadajir ah inta aan wada shaqeyneyno”.
Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa ku laaban doonta howlaheeda horyaalka Premier League Sabtida soo socota, iyada oo garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhaweyn doonto Sheffield United.