Muxuu ka yiri Guardiola kaddib guushii weyneyd oo ay Manchester City ka gaartay West Bromwich??

0
265

Manchester City ayaa guul raaxo leh ka soo gaartay kooxda West Bromwich oo ay ku booqatay garoonka The Hawthorns, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-5, ciyaar qeyb ka aheyd kulamada Isbuuca 20–aad ee horyaalka Premier League.

Ciyaarta kaddib Pep Guardiola ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id si uu kaga faaloodo guusha weyn ay kooxdiia gaartay wuxuuna yiri:

“Maanta waxaan gaarnay natiijo wanaagsan iyo waxqabad wanaagsan, waxaan isku daynay inaan ciyaartoyda ka dhigno qaabka ugu fiican, iyo inaan diiradda saarno sidii aan u sameyn lahayn waxa aan dooneyno inaan sameyno, anagoo si buuxda u ixtiraameyno kooxda naga soo horjeeda.”

“Ugu dambeyntiina, waan dagaalameynaa sababtoo ah kubaddda cagta way adag tahay, qof walba si wanaagsan ayuu u shaqeynayaa xaaladan iyo bishaan waa inaan muujino dadaal, waana tan aan sameyneyno waana wax wanaagsan.”

Si kastaba ha noqotee, Manchester City ayaa kulankeeda soo aadan ee horyaalka Premier League, waxay kula ciyaari doonaan kooxda Sheffield United  Pep oo kulankaas ka hadlayay wuxuu dhahay:

“Hadda waxaan heysanaa maalin ama labo maalin oo nasasho ah kaddib waxaan isku diyaarin doonaa inaan wajahno Sheffield, kuma fikirayo horyaalka hadda, waxaan kaliya ka fikirayaa kulanka Sheffield United, waana tani waxa aan ku shaqeeyo tababare ahaan.”