Muxuu ka yiri Guardiola fikradda uu Lewandowski ugu biirayo kooxda Barcelona?

0
169

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa muujiyay fikirkiisa ah in weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski uu ku haboon yahay Barcelona.

Lewandowski ayaa si cad u muujiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago Bayern Munich suuqan xagaaga, inkastoo uu qandaraas kula jiro kooxda Jarmalka ilaa 2023.

Sida laga soo xigtay wargeyska Marca ee dala Spain, Guardiola oo ka hadlay u dhaqaaqista Lewandowski ee kooxda Barcelona ayaa wuxuu yiri:

“U dhaqaaqista Lewandowski ee Barcelona? Wax fikrad ah kama haayo si aan runta uga sheego, laakiin haddii ay su’aashu tahay yaa laga yaabaa inay ku haboon tahay waxaan ka hadlaynaa Lewandowski.”

“Robert Lewandowski meel kasta ayuu si fiican ula qabsan doonaa, laakiin ma aqaano haddii Barcelona ay la soo saxiixan karto marka loo fiiriyo xaaladdooda dhaqaale, ama haddii Bayern Munich ay go’aan ka gaari doonto inay iska fasaxdo.”

Xavi ayaa rajeynaya in dadaalka kooxda ay ugu jirto soo xero galinta Robert Lewandowski si loogu xoogiyo safka kooxda, taasoo dooneysa xilli ciyaareedka soo socda ay ku iloowdo niyad jabkii xilli ciyaareedkii hore.

Lewandowski ayaa u soo dhaqaaqay Bayern Munich sanadkii 2014-kii markaasoo uu kaga soo biiray Borussia Dortmund, tan iyo markaas waxa uu matalay kooxda Bavarianka 373 kulan tartamada oo dhan, isagoo u dhaliyay 344 gool, wuxuuna sidoo kale ka caawiyay asxaabtiisa 72 gool.