Muxuu Enzo Maresca Ka Yidhi Guushii Kooxdiisu Ka Gaadhay Fluminense.

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Kooxda Chelsea ee Enzo Maresca ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Fluminense Kulankii Semi-final-ka koobka kooxaha adduunka.

Tababaraha ayaa yiri “Waa guul cajiib ah, wuxuu ahaa xilli ciyaareed cajiib ah: kaalinta afaraad ee Premier League, ku guuleysiga Europa Conference League, haatan waxaan joognaa finalka tartankaan, aad iyo aad ayaan u faraxsanahay”.

Isagoo ka hadlayay wacdarihii Joao Pedro iyo labadii gool ee ciyaarta uu dhaliyay, wuxuu ku daray: “Waan ognahay inaan heysano ciyaartoy awood u leh inay isbedel sameeyaan, waxaana ognahay inaan u baahanahay inaan ka caawino inay galaan xaaladaha ay wacdaraha ku dhigi karaan, Joao wuxuu cadeeyay inuu taas sameyn karo.”

Marka la eego ka qayb galka Nicolas Jackson ee qaybta labaad, waxa uu sharaxay: “Nicolas waa ciyaaryahankeena iyo weeraryahankeena ugu muhiimsan, wuxuu ciyaaray inta badan kulamadii xilli ciyaareedkii hore. Maanta, Joao ayaa ku soo bilowday, laakiin (Jackson) sidoo kale diyaar ayuu ahaa.”