Muxuu ahaa hubka halista ah ee hadda la ogaaday in Iran ay u adeegsatay Israa’iil?

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in Iran ay ku tuurtay “bambooyinka nooca loo yaqaano”cluster bombs” ee firdha ee khatarta ah goobaha dadku ku badan yihiin intii lagu jiray dagaalkii 12-ka maalmood socday ee ay kula jirtay Israa’iil.

Falkan ayaa loo arkaa inuu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, sida ay hay’adda sheegtay.

Amnesty International waxay su’aalo u dirtay mas’uuliyiinta Iran oo ku saabsan adeegsiga bambaanooyinka firdha ee ay adeegsatay 15-kii July laakiin wax jawaab ah kama aysan helin waqtiga warbixintan la daabacay.

Warbixin ay soo saartay Khamiistii 24-kii July ayay hay’addu ku sheegtay in intii uu socday dagaalka ay kula jirtay Israa’iil ay Iiraan ridday gantaallada nooca loo yaqaano ballistic-ga ah.

Gantaaladan ayaa ku dhacay xaafado ay dad badan ku nool yihiin oo ku yaalla Israa’iil, kuwaas oo halis galiyay nolosha dadka rayidka ah.

Amnesty International ayaa dib u eegtay muuqaalo ay warbaahintu sheegtay gantaalo ku dhacaya deegaanka Ghoshdan ee ka baxsan Tel Aviv 19 June. Dib u eegista ayaa muujinaysa isticmaalka bambooyinka ah nooca firdha ee cluster bombs loo yaqaano.