Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-War qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Muwaadiniintooda iska tallaalay COVID 19 u safri karaan dalalka Dibedda.
Go’aankaasi ayaa dhaqan-gal noqon doona 1-da Habeenimo ee Saqda Dhexe ee bishan May 17-da.
Sharcigan cusub ayaa waxa uu dhigayaa in Muwaadiniinta Sacuudiga ee labo jeer iska tallaalay Coronavirus ugu yaraan muddo labo isbuuc ah in loo oggolaan doono inay Dibedda u safraan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Sacuudiga waxay kaloo sheegtay in Muwaadiniintooda ka soo bogsaday Fayriskaasi lixdiibilood ee ugu dambaysay waxaa loo fasixi doonaan Duullimaadyada Caalamiga.
Dadka da’dooda ka yar tahay 18 jir ee Sacuudiyaanka ah ee ka soo bogsaday COVID 19 waxaa iyagana loo fasaxay inay dalalka dibedda u dhoofi karaan.
Dhoofayaasha waxaa waajib ku ah inay Tallaalkooda ka xaqiijiyaan, iyadoo isticmaalayo App-ka Dowladda ee Tawakkalna app. (using the government’s Tawakkalna app).
Sidoo kale, Dhoofayaasha Sacuudiyaanka ee dibeddaha ka soo laaanayo ayaa la sheegay in muddo hal isbuuc lagu karantiili doono Guriga, isla marka ay Sacuudiga ku soo laabtaan, iyagoo qaadan doona Baraitaanka COVID 19 Test dhamaadka isbuuca ay Sacuudiga ku soo laabtaan.
Dowladda Sacuudiga waxay bishii March ee sanadkii hore ee 2020-kii mamnuucday Socdaal lagu tegaayo dalkooda iyo mid looga dhoofayo sababo la xiriiray si loo yareeto Faafista Coronavirus.
Dalka Sacuudiga oo ka mid ah dalalka uu sida xun uga dillaacay Coronavirus, waxaana la diiwaan geliyey in 420,301 qof laga helay COVID 19, halka ay 6,992 kalena u geeriyoodeen.
Sidoo kale, 403,702 qof ayaa u geeriyootay xanuunkaasi Laayaanka ah.