Muwaadiniinta Qatar oo loo ogolaaday inay visa la’aa soo galaan Mareykanka

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in muwaadiniinta Qatar ay hadda kadib ay Mareykanka soo geli karaan visa la’aan, taasi oo dalkan ku yaalla Khaliijka ka dhigeysa dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ee sidaas loo ogolaado.

Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa si wadajir ah ugu dhowaaqay in Qatar ay ka soo baxday shuruudo adag, si ay ugu biirto barnaamijka ka dhaafista dal-ku-galka.

Shuruudahaas ayaa waxaa ka mid ah; tirada muwaadiniinta Qatar ee loo diido visa-ha Mareykanka oo yar, heerka dadka Qatar ee Mareykanka kusii nagaada kadib marka dal-ku-galku ka dhaco oo aad u hooseeya iyo in Qatar ay si wanaagsan ula dhaqanto muwaadniinta Mareykanka ee dalkaas booqanaya, oo hadda loo ogol yahay in ay joogaan 30 maalmood visa la’aan.

Boqortooyada hodanka ku ah tamarta ayaa noqonaya dalkii 42-aad ee ku biira barnaamijka ka dhaafista visa-ha, sida ay sheegtay Waaxda Amniga Gudaha.

Dalalka aan muwaadiniintooda u baahneyn visa si ay usoo galaan Mareykanka ayaa badankood ah dalalka hodanka ah ee Yurub iyo Bariga Asia.

Inkasta oo dadka Qatar ku nool ay ka badan yihiin 3 milyan oo qof, kaliya in yar oo ka mid ah kuwaas – ilaa 320,000 – ayaa ah muwaadiniin Qatari, kuwaas oo ka faa’iidaysan kar barnaamijkan haddii ay haystaan baasaboor.

Dadka ugu badan ee ku nool dalka Qatar ayaa ah shaqaale ajaaniib ah iyo dad kale oo ajaaniib ah oo aan haysan baasaboorka Qatar.