Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Muwaadiniin Soomaaliyeed, ayaa xalay Dhimasho iyo Dhaawac loogu gaystay Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika gaar ahaan Xaafadda Strand.
Inta la xaqiijiyay hal nin ayaa geeriyooday halka labo kalena uu soo gaaray dhaawac.
Muwaadinka Soomaaliyeed ee dhintay ayaa lagu magacaabi jiray C/rashiid Axmed Sheekh.
Labada Wiil ee dhaawaca ah ayaa loola cararay Isbitaal, waxaana falkaasi geystay kooxo burcad ah oo doonayay in ay dhacaan Dukaankooda.