Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka garabka bidix ee Arsenal, Gabriel Martinelli, ayaa laga yaabaa inuu mustaqbalka dhaw ka tago kooxda, sida uu qoray CaughtOffside.
Kooxo ka tirsan Saudi Pro League ayaa hore u muujiyay xiisaha ay u qabaan ciyaaryahanka reer Brazil ee 24-jirka ah, inkastoo uusan suurtagalin heshiis xagaagii lasoo dhaafay. Xaaladda Martinelli ayaa hadda mugdi gashay kadib imaatinka Eberechi Eze oo ka yimid Crystal Palace, taas oo cadaadis saaraysa booskiisa safka hore ee Mikel Arteta.
Wararka ayaa sheegaya in Arsenal aysan diyaar u ahayn inay fasaxdo Martinelli haddii aysan helin dalab weyn. Haddii uu ku fashilmo inuu dib isu muujiyo xilli ciyaareedkan, kooxda ayaa laga yaabaa inay tixgeliso doorashooyin kale oo suuqa kala iibsiga ah, iyadoo qandaraaskiisa ay weli ka harsan yihiin laba sano.
Martinelli ayaa ku biiray Arsenal xagaagii 2019 isagoo kaga yimid Ituano ee Brazil, waxaana lagu soo qaatay €7.1 milyan. Xilli ciyaareedkii hore wuxuu dhaliyay 10 gool, wuxuuna caawiye ka noqday 6 kale, isagoo u saftay kooxda 51 kulan tartamada oo dhan ah.