Musharaxa madaxtinimada Colombia oo toogasho lagu dhaawacay.

0
34

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mas’uuliyiinta Columbia ayaa sheegay in musharaxa madaxweyne ee garabka midig ee Colombia uu ku sugan yahay xaalad halis ah ka dib markii saddex jeer la toogtay intii ay socotay xaflad olole oo ka dhacday magaalada Bogota Sabtidii.

Seneter Miguel Uribe oo 39 sano jir ah oo taageerayaashiisa kula hadlayay caasimadda ayaa nin hubeysan uu labo xabadood madaxa kaga dhuftay hal mar jilibka ka hor inta aan la xirin.

Askari ilaalo ah ayaa ku guuleystay in uu xiro ninka looga shakisan yahay in uu weerarka geystay, kaas oo aan qaan gaarin oo da’diisa lagu sheegay 15 jir.
Agaasimaha booliiska Carlos Fernando Triana ayaa sheegay in tuhmanuhu uu ku dhaawacmay weerarka isla markaana la daweynayo.
Laba qof oo kale oo rag iyo dumar ah ayaa sidoo kale dhaawacmay dhacdadaas.
Wali si cad looma oga sababta ka danbeysa weerarka, wasiirka gaashaandhiga Colombia Pedro Sanchez ayaa wacad ku maray in militariga, booliiska iyo sirdoonka ay geyn doonaan “dhammaan awoodooda” si ay u ogaadaan sida ay wax u dhaceen.
Pedro Sanchez, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay abaal-marin dhan 725,000 oo doolarka Mareykanka ah in ay siini doonaan qofkii soo sheega cidda ka dambeysay toogashada.
Weerarka ayaa lagu cambaareeyay dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo dibadda, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio uu ku tilmaamay “khatar toos ah oo ku wajahan dimuqraadiyadda.”
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in aysan jirin hanjabaad gaar ah oo loo jeediyay siyaasiga kahor inta uusan dhicin falkaasi.