Muran ka taagan hab cusub oo la rabo in dakhliga loogu qeybiyo gobolada Kenya

0
72

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hogaamiyeyaasha gobolka woqooyi-bari ee Kenya ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qaab cusub oo lagu qebysanaayo daqliga Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya ayaa wada qorshahaan oo ah hal qof, hal shilin iyo hal cod, kaasi oo ah qorshe cusub oo haddii la ansixiyo ka dhigan in dakhliga dalkaasi lagu qeybsan doono tirada dadka ee ku nool gobolka, taasi oo saameyn doonta horumarka deegaanno badan oo oomane ah.

Waxaana wali sii xoogeysanaya muranka ku aadan hab qeeybsiga daqliga waxaana laga cabsi qabaa in dibad baxyo ka dhashaan.