Muqdisho oo laga daah furay Shir ku saabsan dib-u-habeynta Maamulka Dowladda.

0
64

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho Shir uga furmay Wasaaradaha Shaqada iyo arimaha Bulshada ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Gudiga Heer Qaran iyo Heer Maamul Goboleedyad ee Shaqaalaha Rayidka ah.

Shirkan oo muhiim ah ayaa diirada lagu saari doonaa dibu habeynta Maamulka Shaqaalaha Dowlada iyo Horumarinta Maamulka Shaqada iyo Shaqaalaha Dowlada labada heer.

Wasiirka Shaqada iyo arimaha Bulshada XFS Dr Maxamed Cilmi Ibraahin ayaa Sheegay in uu shirkan uu muhiim u yahay Dhisida iyo Horumarinta Xirfadaha iyo dibu Habeynta Shaqaalaha Dowlada labada Heer.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya