Munaasabadan lagu daah furayay talaalka cudurka karoona feyris oo lagu qabtay Isbitaalka guud ee Gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne

0
196

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabadan oo aheyd mid lagu daah furayay talaalka cudurka karoona feyris islamarkana lagu qabtay isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka qeyb galay, wasiiro, xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle, hogaanka maamulka gobolka Hiiraan, dhaqaatiir iyo howlwadeenno caafimaad.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle Tahlil Ibraahim Cabdi ayaa sheegay in talaalkan ay ka faa’ideysan doonaan howlwadeennada caafimaadka, macalimiinta, booliska iyo howlwadeennada ka shaqeeya meelaha laga soo galo dalka.

“ Maanta waxaa Sharaf weyn noo ah in aan magaalada Baladweyne ka daah furno talaalka cudurka karoona feyris oo dhawaan na soo gaaray, talaalkan waxaa qaadan doona, dadka da’dooda ay ka weyn tahay 60-ka sano, macalimiinta, booliska, bahda caafimaadka iyo howlwadeennada ka shaqeeya meelaha laga soo galo dalka sida garoomada iyo xaduudaha, qof kasta oo ka mid ah bulshada waxaan ku boorineyna inay qaatan, maanta Baladweyne iyo Jowhar ayay ka bilaabatay, degmooyinka kale ee Hirshabeelle iyagana dhawaan ayaa laga bilaabi doonaa.”ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle Tahlil Ibraahim Cabdi.
Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle Muxiyadiin Mukhtaar Macalin ayaa bulshada ku booriyay inay qaatan talaalkan.

“ Maanta wajiga koowaad ayaa bilowday muddo kooban ayuuna socon doonaa oo dhan 10 maalmood, shaqaale ayaa loo tababaray oo u adeegi doonaa bulshada, qof kasta waxaa laga raba inuu qaato gaar ahaan dadka loogu talo galay sida dadka da’dooda ay ka weyn tahay 65-ta sano, macalimiinta, howlwadeennada ka shaqeeya meelaha laga soo galo dalka, bahda caafimaadka iyo booliska maadaam intaasoo oo dhan ay la fal galayaan bulshada inteeda kale.”ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle Muxiyadiin Mukhtaar Macalin.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaato talaalkan.

“ Daawadan lacag mahan sidaas darteed qof kasta waxaa laga raba inay qaataan, allaha u daweeyo qof kasta oo qaata, waxaan maqlayay dad ka faafinaya warar been abuur ah oo ku saabsan in talaalkan qofka lagu duro, dhiiga uu xinjiro noqonayo qof kasta alle ha aamino.”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Inta badan wasiirada iyo xubnaha kale ee ka qeyb galay daah furka talaalka cudurka karoona feyris ayaa intooda badan qaatay talaalka.