Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqda Aadanaha ee Jubbaland ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qabatay Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Gudniinka Fircooniga, oo Sannad walba loo dabaaldego 6-da Febraayo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay Golaha Wakiilada Jubbaland, hoggaanka Ururrada haweenka heer Gobol iyo Degmado, hay’adaha taageera arrimaha haweenka, iyo qaybaha kala duwan ee haweenka Magaalada Kismaayo.
Kusimaha Agaasimaha Wasaaradda Haweenka, ahna Agaasimaha Waaxda Carruurta iyo Arrimaha Qoyska, Cabdiqaadir Cabdi Yare, ayaa munaasabadda si rasmi ah u furay, Isagoo hadal kooban ka jeediyay, ayuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda wacyigelinta bulshada si loo joojiyo Gudniinka fircooniga ah.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya