Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga Aduunka oo lagu qabatay Dhoobley

0
80

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sannad kasta 20-ka Juun, dunidu waxay u dabbaaldegtaa maalinta qaxootiga adduunka, oo ah maalinta caalamiga ah ee la xurmeeyo dadka lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda.

Waxaana la qabtaa Munaasabado Bulshada lagu baraarujinayo ilaalinta Xuquuqda Dadka Qaxootiga Mudooyiinkii u danbayay waxaa kor u kacay Tirada Qaxootiga ku nool Aduunka taasi oo ay sababtay iska hor imaadyada Colaadaha Hubeysan.

Qaar kamid ah Hay’adaha ka howlgala Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa soo Agaasimay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga Aduunka Taasi oo lagu qabatay Xaafada Danwadaag ee Degmada Dhoobley.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya