Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Isbitaalka Rafiiki oo kamid ah Isbitaalada sida gaarka loo leeyahay ee ku yaala Degmada Dhoobey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu so kordhiyay Qalab cusub Kuwas oo ay bulshada aad ugu riyaaqeen.
Qaybaha lagu soo kordhiyay ayaa kala ah qaybta shaybaarka cudurada guud qaybta Hooyada iyo dhalaanka iyo sido kale computerka lagu baaro cudurada guud gaar ahaan cudurada uur kujirta.
Hadaba waxaa Magaalada Dhobley lagu qabtay Munaasabad lagu xariga jarayay Qablab cusub ee lagu so kordhiyay Isbitaalka Rafiiki Munaasabada ayaa lagu qabtay holka shirarka ee Huteel Gaaf.
Munaasabada ayaa waxaa kaso qayb galay maamulka Degmada Dhoobley waxgaradka qaybo ka socday xarumaha caafimadka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ee Degmada Dhobley.
Ugu horeyn waxaa Goobta ka hadlay gudmiyaha Degmada Dhoobley Xasan Cabdi Xaashi isagoona xariga ka jaray qaybta cusub ee xarunta lagu so kordhiyay.
Dhanka kale waxaa iyaguna goobta ka hadlay masuuliyiin ka socotay Casaaradda cafimaadka Jubbaland ee qaybta Dhoobley.
Ugu damabyna waxaa warbaahinta la hadlay Cabdinaasir Shide oo kamid ah masuuliyiinta xarunta isagoo ka warbixiyay muhiimada ay bulshada uledahay Qaybaha cusub ee lagu so kordhiyay Isbitaalka.
Fardowsa Axmed Cabdi. ayaa warbixintan ku eegeysa