Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda ree London ee Tottenham Hotspurs ayaa la sheegayaa inay go’aan weyn ka qaadatay mustaqbalka weeraryahanka kooxdeeda ee Harry Kane oo markale bixitaan lala xidhiidhinayo suuqa xagaagan.
Harry ayuu heshiiskiisa Spurs ka hadhay hal sano iyadoo kooxdu intii hore ee suuqa oo dhan meel adag ka taagnayd iibkiisa.
Tottenham ayaa 120 Milyan oo pound dul-dhigtay iibka 29 sano jirkaas taas oo sababtay in kooxo ay kamid tahay Manchester United dib uga fadhiistaan.
Bayern Munich ayaa ah kooxda xiisaha ugu badan u muujisay Harry Kane iyagoo laba dalab ka gudbiyay walow labadaba Tottenham kusoo celisay.
Bavaria ayaa dalabkii saddexaad diyaarinaya iyagoo aan iska dhiibin aragtida ah saxeexa Kane oo la sheegay in macalin Thomas Tuchel si gaar ah ugu waalan yahay.
Haatan warka ka farxiyay dhammaan kooxaha Kane doonaya ayaa ah in wargeyska Mirror uu sheegayo in mulkiilaha qaybta ugu badan ku leh Tottenham ee Joe Lewis uu u sheegay guddoomiyaha kooxda ee Daniel Levy inaysan qaab xor ah ku lumin karin Kane.
Lewis ayaa u sheegay Daniel Levy inuu Harry Kane hordhigo inuu soo galo midkood labada qodob ee ah inuu heshiis cusub saxeexo amaba in haatan kooxdu iibinayso.