Muhaajiriintii mari jiray Liibiya oo helay dariiq cusub.

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Bilihii u dambeeyay waxaa soo kordhayay wararka la xiriira, muhaajiriinta sharci-darrada ah ee doonaya in ay u safraan Yurub  kuwaasoo hadda gaaraya dalka Morocco.

Tahriibayaasha ayaa hadda ka diga roganaya marinkii Libya ee isla waqooyiga Africa.

Dariiqan tahriib ee u dhexeeya Morocco iyo Mauritania ayaa isna ah marin halis badan, waxaana adeegsada muhaajiriinta doonaya in ay gaaraan jasiiradaha Canary, ee dalka Spain.

Markii hore muhaajiriinta adeegsata dariiqan oo qaar badan ay doonyo la qalibmeen, waxay u badnaayeen kuwa ka yimid dalalka galbeedka Africa, laakiin hadda waxaa ku biiray tahriibayaasha ka imaanaya dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Africa.