Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 60 muhaajiriin ah ayaa lagu soo warramayaa in ay badda ku qaraqmeen iyagoo doonaya in Yurub ay ka soo galaan dhinaca Libya.
Doontooda oo buux dhaaftay ayaa sababtay in ay degto. Kuwa ka badbaaday aya sheegay in matoorka uu istaagay 3 maalmood markii ay ka soo gudbayeen biyaha Mediterranean-ka taas oo keentay in doonta ay lunto iyagoon haysan biyo iyo cunto.
Kooxaha gargaarka ayaa soo badbaadiyay 25 qof. Labo qof oo miirbeelay ayaa loo duuliyay Sicily si loo daaweeyo, waxaana gacan ka geystay dowladda Talyaaniga.
Labo kun iyo shan boqol oo muhaajiriin ah ayaa ku qaraqmay badda Mediterranean-ka sanadkii tagay iyagoo isku dayaya in ay soo gaaraan Yurub.
Kuwa badbaaday waxay sheegeen in dadka saarnaa doonto ay ku jireen haween iyo ugu yaran hal cunug.