Muftiga Quddus oo laga mamnuucay masjidka Al-Aqsa.

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa lagu soo warramayaa in Israa’iil ay muftiga Quddus iyo Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin Sheikh Muhammad Hussein ay ka mamnuucday masjidka Al-Aqsa.

Xayiraaddan ayaa shaqeynaysa muddo 6 bilood ah sida ay ilo wareedyo u sheegeen warbaahinta.

Go’aankan ayaa yimid maalmo un ka dib markii wasiirka amniga ee Israa’iil Itamar Ben-Gvir la soo tabiyay inuu ku tukaday masjidka Al-Aqsa taasi oo liddi ku ah heshiiskii 1967-dii.