Kooxda Juventus ayaan heli doonin adeegga Paulo Dybala shanta kulan ee soo aaddan, kaddib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaaray kulankii Axaddii la ciyaareen naadiga Sassuolo.
Sida ay xaqiijisay kooxda Juventus, Paulo Dybala ayaa maqnaan doono muddo saddex todobaad ah kaddib dhaawacii ka soo gaaray Jilibka kulankii ay la ciyaareen Sassuolo Axaddii.
Xiddiga xulka qaranka Argentina ayaa lagu bedelay Dejan Kulusevski daqiiqaddii 43-aad ee kulankii Juve ay 3-1 ku adkaatay ee horyaalka Serie A, kaasoo ka dhacay garoonka Allianz Stadium.
Kooxda Marwada duqda ah ayaa xaqiijisay inuu soo gaaray dhaawac hoose oo ka soo gaaray jilibka bidix, isla markaana uu garoommada ka maqnaan doono ugu yaraan 15 illaa 20 maalmood.
27-sano jirkaan ayaa seegi doona kulanka Coppa Italia ee ay habeen dambe wajahayaan Genoa, kulanka Supercoppa Italiana ee ay la leeyihiin Napoli todobaadka soo socda, kulammada horyaalka Serie A ee ay la kala ciayari doonaan Inter Milan iyo Bologna.
Waxaana sidoo kale uu seegi karaa kulanka kale ee horyaalka oo ay wajahayaan kooxda Sampdoria 20-ka bishaan Janaayo.