Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda samafalka caafimaadka, MSF ayaa sheegtay in xaaladaha nololeed ee ku dhawaad afar boqol oo kun oo qaxooti ah oo ku sugan gobolka Gambella ee Itoobiya ay si degdeg ah uga sii darayso.
Arrintan ayay hay’adda u sababaysay dhimista gargaarka deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah oo uu ku jiro Mareykanka.
Waxa ay sheegtay in adeegyadii nafaqeynta ee inta badan xeryaha la hakiyay, taasoo keentay in ku dhawaad 80 kun oo u badan caruur yar yar oo Koonfurta Sudan u dhashay ay halis ugu jiraan gaajo naftooda halis galinaysa.
MSF waxa ay sheegtay in carruur badan oo kale la seexiyay xarumaheeda quudinta iyo daawaynta waxaana jirtay koror aad u weyn oo ku yimid bukaannada duumada sababtoo ah goynta ka hortagga cudurrada.