“Waxaan dhahay todobaad ka hor in Spurs aysan ku guuleysan karin horyaalka, walina uma maleynayo inay awoodaan taas”.
“Laakiin waxaan ku raacsanahay Jamie Carragher inay noqon doonto sheekada ugu layaabka badan in la arko Jose Mourinho oo horyaalka Premier League kula guuleysanaya Tottenham”.
“Waxay noqon doontaa wax heegan geliya taageerayaasha Chelsea, Manchester United iyo Arsenal. Waxay noqon doontaa mid ka mid ah sheekooyinka ugu waa weyn, sababtoo ah Tottenham kuma guuleysato horyaalka!”
“Waxa uu heystaa labo ciyaartooy oo weerarka ah oo arrintan sameyn kara, ka fikirida awooda weerarka, waa wax wanaagsan”.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda Tottenham Hotspur ayaa ku jirta kaalinta labaad ee miiska kala sarreynta horyaalka Premier League, iyagoo aruursaday 17 dhibcood kaddib 8 kulan ay ciyaareen.