Mourinho Oo Ilmada Ceshan Waayay Kadib Geerida Kabtankii Uu Kula Guuleystay Champion-Kiisii Ugu Horreeyay

0
201

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Fenerbahce, Jose Mourinho, ayaa si murugo leh uga falceliyay geerida Jorge Costa, oo ahaa kabtankii kooxda Porta xilligii uu Mourinho Tababaraha ka ahaa kooxda.

– Advertisement –

Mourinho oo la hadlay saxaafadda Talaadadii kahor kulanka ay Fenerbahce la ciyaareyso Feyenoord wareegga saddexaad ee isreeb-reebka Champions League, ayaa ceshan waayay ilmada kadib geeridii xanuunka badneyd ee ku timid xiddigii u horseeday guushii ugu horreysay ee xirfaddiisa Champions League.

“Haddii uu hadda ila hadli lahaa, wuxuu igu oran lahaa: ‘Iska wado shirkaaga jaraa’id, berri ciyaar ciyaarta macallin, guul ayaan kuu rajeynayaa – iska key illoow aniga’,” ayuu yiri Mourinho isagoo codkiisa ay tiiraanyo ka muuqato.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan shaqadayda qabsado maanta iyo berri, laakiin waan hubaa inaan waxbadan ooyi doono.”

Wargeyska Daily Mail ayaa horey u sheegay in Jorge Costa uu geeriyooday isagoo 53 jir ah kaddib markii uu wadnaha istaagay isagoo ku sugan xarunta tababarka ee kooxdiisa.

Mourinho iyo Costa ayaa ka soo wada shaqeeyay kooxda Porto intii u dhexeysay 2002 ilaa 2004, xilli Costa ahaa kabtanka kooxda. Intii uu xirfaddiisa ciyaareed ku jiray, Jorge Costa waxa uu xulka qaranka Portugal u saftay 50 kulan.

Wuxuu sidoo kale hal xilli ciyaareed amaah ku joogay Charlton Athletic oo ka ciyaareysay Premier League xilli ciyaareedkii 2001/2002, wuxuuna ka fariistay ciyaaraha sannadkii 2006.