Mohamed Salah Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool.

0
46

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mohamed Salah ayaa diyaar u ah in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Liverpool isaga oo iska diiday dalab weyn oo uu ka helay horyaalka sucuudiga sida laga soo xigtay wararka.

Heshiiska Salah ee Liverpool ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu xor u yahay in uu wadahadalo la yeesho kooxaha ka baxsan England suuqa January.

Xiddiga 32 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay horyaalka sucuudiga oo u soo bandhigay dalabyo aad u badan.

Salah, sida laga soo xigtay Liverpool Echo, wuxuu diyaar u yahay inuu diido dalabyada u imanaya si uu u sii joogo Anfield.

Waxa la rumaysan yahay in uu Salah aad u doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool heshiis cusubna u saxiixo.

Salah ayaa sanado badan oo cajiib ah kula qaatay Reds waxana lagu qiimeeyaa xiddigaha ugu fiican taariikhda kooxda.