Mo Salah Oo La Ogaaday Inuu Aad Uga Xun Yahay Soo Qaadashada Liverpool Ee Isak; Sababta Dhabta Ah Waa Tan

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Weeraryahanka Liverpool, Mohamed Salah, ayaa jawaab kulul soo geliyay bartiisa Twitter toddobaadkan kaddib markii taageere uu dhaleeceeyay ciyaartoydii hore ee kooxda sida Luis Díaz iyo Darwin Núñez.Taageerahan ayaa ammaanay saxiixa cusub ee kooxdaz Alexander Isak.

Salah ayaa qoraal cad ku yiri: “Bal aan u dabaaldegno saxiixyada waaweyn anagoo aan dhaawacin sharafta xiddigihii noo horseeday horyaalka.”

Qoraalka muranka dhaliyay waxaa faafiyay bogga taageerayaasha @AnfieldEdition, kaas oo sawirro madow iyo caddaan ah ku muujiyay Díaz iyo Núñez, halka Isak iyo Florian Wirtz lagu soo bandhigay midab buuxa. Salah ayaa si degdeg ah u muujiyay caradiisa, taas oo keentay in akoonkaas raalligelin ka bixiyo isla markaana caddeeyo in ujeeddadu ahayd in la muujiyo guusha suuqa kala iibsiga Liverpool – balse aysan ahayn in lagu caayo ciyaartoydii hore.