Miyuu Zidane noqon doonaa tababaraha kooxda PSG? – Waxaa ka jawaabaya Pochettino

0
398

(Paris) 11 Feb 2022. Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa qiray in Zinedine Zidane uu yahay musharax u taagan qabashada xilka tababarenimo ee PSG.

Wararkii ugu dambeeyay ee dhawaan ayaa waxay sheegeen in Mauricio Pochettino uu ka tagi doono Paris Saint-Germain kaddib dhamaadka xilli ciyaareedkan si uu u helo shaqadiisa cusub ee tababaraha kooxda Manchester United.

Tababaraha reer France ee Zinedine Zidane ayaa noqon doona tababaraha xiga ee kooxda Paris Saint-Germain isaga oo badalaya tababaraha Argentine ee Pochettino kaas oo mar kale ku soo laaban doona tababarka kadib markii uu ka tagay kooxda Real Madrid dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Si kastaba ha noqotee, Mauricio Pochettino meesha kama saarin fikradda ah in Zidane uu tababare u noqon karo macalinka xiga ee kooxda Paris Saint-Germain, wuxuuna yiri:

“Runtii, ma aqaano, aniga iguma xirna si aan go’aan kaga gaaro.”

“Zinedine Zidane waa tababare weyn, taasi waa hubaal, marka laga soo tago inuu Faransiis yahay.”

Mauricio Pochettino oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Su’aashan waxa la waydiinayaa agaasimaha ciyaaraha iyo madaxweynaha ee aniga ma ahan”.