Miyuu Mbappe Diyaar U Yahay Kulanka El-Clasico?

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kylian Mbappe ayaa khamiistii ku soo baxay tababarkii Real Madrid isaga oo aan wax dhib ah qabin iyada oo uu weeraryahanku safka ugu jiro in uu ku soo bilowdo kulanka finalka Copa Del Rey habeenka sabtida.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa dhaawac canqowga ah ka soo gaaray lugtii labaad ee wareega 8da ee Champions League oo ay la ciyaareen Arsenal 16-kii April, ka dibna wuxuu seegay kulamadii Athletic Bilbao iyo Getafe ee horyaalka La Liga.

Mbappe ma uusan ciyaarin kulanka Athletic si kasta oo uu xaalkiisa taam yahay, maadaama uu ganaax ku maqnaa kulankii laakiin ma uusan awoodin inuu soo laabto kulankii Getafe horaantii isbuucaan.

Shaki weyn ayaa ku jiray ku lug lahaanshihiisa El Clasico, laakiin Mbappe ayaa ku soo laabtay tababarka Khamiista, iyadoo weeraryahanka uu taam u noqon doono kulanka adag ee Final-ka.