Miyuu Kevin De Bruyne xaqiijiyey inuu wadahadal heshiis kordhin ah kula jiro Kooxdiisa Manchester City??

0
233

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa udub dhexaad u ahaa nidaamka Pep Guardiola dhowrkii sano ee la soo dhaafay ee Man City, iyadoo qandaraaska De Bruyne ee Manchester City uu ku eg yahay ilaa 2023-ka.

De Bruyne oo ay wehliyaan dhowr ka mid ah magacyada waa weyn ee Man City ayaa la la xiriirinayaa inay tagaan, halka kooxaha waa weyn ee Premier League ay sugayeen horaantii sanadkan in labo sano laga ganaaxo, laakiin 29-sano jirkaan ayaa tan iyo markaas waxa uu xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay kooxda, isla markaana uu doonayo inuu qallinka ku duugo heshiis cusub.

Isagoo la hadlayay TV-ga Belguim-ka ee VTM Nieuws, De Bruyne ayaa yiri: “Waan ku faraxsanahay Manchester, waxaan joogaa koox fiican, milkiileyaal fiican, Naadi fiican.

“Waxoogaa wadahadal ah ayaan ku jirnaa, ma’ahan mid horumarsan, xilligan la joogo aniga qudhaydu waxaan wax ka wadaa wadahadallada, waxaan jeclaan lahaa inaan la joogo kooxda, sidaas darteed wa ay fududahay, haddii aanan dooneyn inaan sii joogo, waxaa loo baahnaan doonaa qof dhexdhexaadiye ah, laakiin marka aad rabto inaad sii joogto, ma’ahan wax aad u adag.”

De Bruyne ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo kulankii xulkiisa qaranka Belgium guusha 2-0 xalay ka gaaray dhiggooda England ee UEFA Nations League, natiijadaas oo ka dhigan inay soo dhammaatay rajadii afar dhammaadka ee xulka qaranka Saddexda Libaax.