Miyey Barcelona weli ku adkeysaneysaa inuusan Ousmane Dembele u ciyaarin kooxdeeda inta ka harsan xilli ciyaareedkan?

0
231

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Joan Laporta ayaa si cad u sheegay in waayihii Ousmane Dembele ee naadiga Barca uu halkaas ku idlaaday iyadoo qandaraaskiisa uu dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan, hase ahaatee, waxaa la fahansan yahay in Macallin Xavi Hernandez uu maanka ku hayo aragti taas ka duwan.

Wargeyska MARCA ayaa sheegay in macallinka naadiga reer Spain ee Xavi uu doonayo inuu dib ugu soo celiyo saf-ciyaareedyadiisa xiddigan kaasoo uu markii hore ugu gooddiyay inuu kooxda isaga tago intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ee bishii January ama qandaraas cusub uu saxiixo, wixii labadaas kasoo harana waxa uu jawaab kaga dhigay inay sababeyso inuusan Dembele u ciyaari Barcelona markale.

Dhinaca kale, saxiixyada cusub ee Camp Nou yimid maalmihii ugu dambeeyay ee kala ah Adama Traore iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa soo koobi kara fursad ciyaareedka 24-sano jirka Faransiiska balse Macallin Xavi ayaa Dembele kusoo daray safka kooxdiisa u ciyaaraya tartanka UEFA Europa League wareegyadiisa bug-baxa.

Si kastaba ha ahaatee, laacibka garabka ka ciyaara ee Camp Nou xagaagii 2017 uga yimid naadiga Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka ayaa iska diiday inuu Barca ka tago suuqan January inkastoo uu dalabaadyo dhowr ah ka helay kooxaha Premier League iyo naadiga France ka dhisan ee Paris Saint-Germain.