Miyay Kaa Go’antahay Inaad Man City Garaacdo Si Liverpool Horyaalka Ugu Guuleysato? Steven Gerrard Oo Su’aashan Culus Ka Jawaabay

0
198

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Aston Villa ee Steven Gerrard ayaa ka hadlay haddiiba uu dhiirigelin dheeraad ah qabo oo doonayo inuu berri guul uu kooxdiisii Liverpool horyaalka ugu gacan-gelinayo ka gaadho Manchester City.

City ayaa haatan 90 dhibcood leh iyaga oo hal dhibic hoggaanka kaga haya Reds xilli berri la ciyaarayo kulamada 38-aad ee xilli ciyaareedka Premier League soo af-meeraya.

Image

Stevie G oo sanado badan soo ahaa kabtanka iyo hoggaamiyaha Liverpool ayaa haatan haysta fursada uu Reds horyaal ugu guuleyn karo haddii uu ugu yaraan bar-bardhac la galo Man City oo uu Etihad Stadium ku booqanayo.

Gerrard oo aan waligiis horyaal la qaadin Liverpool ayaa haatan sheegay in muhiimadiisu tahay inuu guul lasoo gaadho kooxdiisa Aston Villa balse ay fiican tahay haddii ay taasi caawinayso kooxdiisii hore.

“Gabi ahaanba waan fahmayaa waanan ixtiraamayaa qaylada banaanka ka imanaysa iyo su’aalaha dhinacayga kusoo wajahan. Iyagu (Liverpool) tartanka horyaalka ayay ku jiraan aniguna sanado badan ayaan halkaas kusoo qaatay” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gerrard.

“Waa wax laga niyad-jabo marka ay dadku sheegaan is-dhex gal ay la aniga amaba Aston Villa amaba cid kamida ciyaartoydayda la xidhiidhinayaan. Axada waanu bixi doonaa oo waxkasta ayaanu siin doonaa kulankaas si aanu iskugu dayno inaanu dhibco u keeno Aston Villa iyo taageerayaashayada”.

“Haddii aysan ka fursanayn in taasi Liverpool caawinayso kaddib waa cajiib balse muhiimadayda koowaad waa inaan isku dayo inaan dhibco u keeno Aston Villa. City waxay haysataa ciyaartoy heer caalami ah iyo tababare heer sarre ah balse culays badan ayaa saaran Axada”.