Miyaa Gabriel Jesus Lagu Darayaa Xulka Qaranka Brazil Ee Koobka Adduunka? – Xog Muhiim Ah Oo Kasoo Korodhay Weeraryahanka Arsenal.

0
156

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gabriel Jesus ayaa si lama filaan ah looga saaray xulka qaranka Brazil ee kulamada saaxiibtinimo ee ay iskugu diyaarinayaan Koobka Adduunka, waxaanay taasi walaac ku abuurtay laacibkan maadaama booskiisa afka hore ee weerarka ay kula tartamayaan dersin ciyaartooyo ah.

25 jirkan oo Arsenal ay £45 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Arsenal xagaagii ayaa toddoba kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Gunners waxa uu u dhaliyey afar gool iyo saddex uu caawiye ka noqday, hase yeeshee tababare Tite ayaa ka doorbiday Richarlison oo uu u xidhay No.9, iyadoo uu weeraryahanka Tottenham laba gool dhaliyey kulankii Tottenham ee toddobaadkii hore.

Ciyaarta caawa ee Tunisia ayaa la filayaa in Richarlison oo 25 jir ah uu kusoo bilaaban doono, waxaanay u noqonaysaa kulanka ugu dambeeya ee Brazil ay dheelayso ka hor Koobka Adduunka oo ay ku furanayaan Serbia oo ay November 24 is-arkayaan.

Inkasta oo kulamadan saaxiibtinimo uu ka maqan yahay Gabriel Jesus, haddana wakiillada laacibkan ayaa sheegay, in ay filayaan in uu qayb ka noqon doono xulka qaranka Brazil ee Koobka Adduunka. Jesus ayaa isagana mar la weydiiyey rajadiisa, waxa uu muujiyey in uu kalsooni buuxda ku qabo in uu u safri doono waddanka Qatar.
Jesus oo xulka Brazil uu sannadkii 2016 kusoo daray Tite oo kulankii koowaad ciyarasiiyey, waxa 56 ciyaarood oo uu u saftay dalkiisa uu u dhaliyey 19 gool, waxaana sida uu wargeyska The Sun qoray jira xidhiidho dhex maray Jesus iyo Tite oo muujinaya in uu ka mid noqon doono xulka Koobka Adduunka.